Call Us Today: +252-61-1002233

Daarusalaam City

Deegaanka Daaru-salaam waa Xaafad laga hirgaliyay magaalada Muqdisho oo leh dhisimayaal Casri ah oo aad u qurxoon, noocyo kala duwan leh, lana waafajiyay hanaanka dhismaha caalimiga. Xaafadda Daaru-salaam oo ay ku idil yihiin dhamaan adeegyada kala duwan, ayaa waxa dhisaya shirkad soomaaliyeed oo lagu magacaabo Al-Buruuj construction company iyagoo istimaalaya injineero xirfad iyo aqoon buuxda leh mashruucyad noocyadan oo kale.

Tilmaan
Xaafadda cusub ee Daarusalaam waxay dhanka waqooyi ka xigtaa   garoonka kubadda cagta ee  muqdishu (Stadium Mogadishu) ee jidka Warshadaha. Waxayna laamiga Warshadaha u jirtaa 7km.Hadaba xaafadda casriga ee daarusalaam maxey kaga duwan tahay xaafadaha kale

Laami 
Daaru-salaam waxay leedahay jid laami ah oo sifiican loo dhisay waxaana xaafadda gudaheeda maraya Laamiyo kale oo hareerahooda dhirayn loo yeelay.

Masjid
Xaafadda Daarusalaam waxaa loo dhisay  Masjid Jaamic ah oo aad u weyn oo 3 dabaq  ka kooban. Masjidku wuxuu leeyahay dhul aad u weyn oo lagu baakimo gawaarida.  Waxaa intaas u dheer qeyb loogu talagay Dumarka, wuxuuna yeelaan doonaa xalaqooyin iyo duruus barashada diinta ah.

Suuq
Bulshada ku nool xaafadda daarusalaam iyo kuwa soo dagi doonaba waxaa loo diyaariyay suuq aad u weyn oo ay ka heli karaan dhamaan adeegyada kala duwan. waxaa loogu talagalay in dadka deegaanka looga haqabtiro baahida ay u qabaan helidda adeegyada aasaasigi oo ay ugu weyn tahay suuq casri ah.

Isbitaal
Xaafadda Daarusalaam waxey leedahay Isbitaal Casri ah oo leh Lap iyo Qalab-ka radiologic technology waxaana ka hawlgeli doona dhaqaatiir Aqoon iyo Khibrad caafimaad leh wuxuuna ka kooban yahay qeybo kala duwan ee caafimaadka.

Iskuul
Deegaanka Daarusalaam wuxuu leeyahay Waxbarasho heersare ah sida:-

  • Xanaano caruurta yaryar
  • Taxfiid Qur’aan Al-kariim
  • Machad Diini ah
  • Hoose dhexe gabdhaha
  • Hoose dhexe Wiilasha
  • Sare Gabdhaha
  • Sare Wiilasha
  • Bounding Gabdhaha
  • Bounding Wiilasha

Isgaarsiin

Adeegyada loo dhameystiray xaafadda Darusalaam waxaa ka mid adeegga Isgaarsiinta qaybihiisa kala duwan sida mobile, landline iyo internet. Xaafadda daarusalaam waxaad ka heli kartaaa adeeg isgaarsiin nadiif ah

koronto
Xaafadda Daarusalaam waxay leedahay koronto xoogan oo raqiis ah kana jaman tan magaalada.

Dabdamis iyo waardiye
Xaafadda Daarusalaam waxaa heegan ku ah oo loo diyaariyay shaqaale dabdamis oo xirfad,& aqoonba u leh habka loo damiyo dabka marka shil noocaas oo kale ka dhaco deegaanka. Sidoo kale xaafadda daarusalaam wuxuu leeyahay  ilaalo loo tababaray ilaalin  deegaanka habeen iyo maalinba.

Hawo iyo digaan carro san ah
Deegaanka Daarusalaan waa dalsan ka baxsan saxmada magaalada. Waxayna leedahay hawo iyo biyo nadiif ah. Waa meel ku fiican nasashada, u roon indhaha iyo caafimaad-ka shaqsiga iyo qoys-kiisaba.